Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo xariga ka jaray waddo isku xirta Berbera iyo Sheekh (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tegay maanta Gobolka Saaxil, ayaa xadhiga ka jaray dib u dhis iyo dib u habeyn ballaadhan oo lagu sameeyey jidka isku xidha Magaallooyinka Berbera iyo Sheekh.

Munaasibadda xadhig-ka-jarka ayaa ka qabsoontay dusha sare ee buurta Sheekh,waxaana haddalo ka jeediyey ugu horreyn wasiirka Wasaaradda jidadka iyo meereeyaha Hay’adda Waddooyinka Qaranka,kuwaas oo u mahadceliyey shaqalihii hawshaa baaxadleh qabtay mudda’daas kooban ee habeen iyo maalin aan ka nasan.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray jidkaas oo dib u dhis lagu sameeyeya iyo labaatan buundo oo la hagaajiyey,waxaanu sheegay inay sahli doonto isku socodka Gobollada dalka.

 

Related posts

Daawo :-Xasan Cali Khayre & C/kariin Guuleed oo sheegay In ay ka badbaadayn isku day dil oo lasoo qorsheeyey”

admin

Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Stockholm

Caydiid Ali

Dagaal dhax maray Ciidamada Galmudug iyo Ciidamo daacad u ah Ahlu Sunna

Cabdi Cade
Taboola Ads ---