Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa guddoomiyay kulan looga hadlaayay taageerida iyo garab istaaga Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanada ee dagaalka kula jira Kooxaha Al Shabaab iyo sidii loo dar-dargelin lahaa amniga Muqdisho.
Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo dhamaan xubnaha heer Maamul ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa diirada lagu saaray hanaanka wada-shaqeynta bulshada, Maamulada Degmooyinka, Hey’addaha Amaanka iyo sidii loo xoojin lahaa barnaamijka dariseynta si looga hortago garan-waaga ku dhex jira bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay garab istaaga iyo taageerida Ciidamada Qaranka iyo kuwa Deegaanada, asigoona xusay in taageero dhinac weliba leh ay la garab taagan yihiin, isla markaana ay furimaha dagaalka ku maqan yihiin qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.