Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo yeelanaya Diyaarad dagaal oo nuuceeda dunidda lagu arag !

Dalka Mareykanka oo hadda hoggaanka u haya dhinaca milatariga iyo hubka casriga , ayaa haddana sameesanaya diyaarado dagaal oo nuucooda aan horey loogu arag dunidda, kuwaa uu  Mareykanka ku cabsi gelinayo dalalka cadawga uu u arko.

Madaxweynaha Mareykanka , Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu dalkiisu uu dhammeystiri doono mashruuc weyn oo lagu dhisayo diyaaradda jiilka lixaad ee ciidanka cirka Mareykanka , waxa uuna diyaaradan ku tilmaamay nuuceeda mid aan horey loo arag.

Diyaaradan nuuca dagaalka ah oo si ka duwan diyaaradaha kale loo dhisayo waxaa sameeneysa shirkadda Boeing ee laga leeyahay dalka Mareykanka, waxa uuna Madaxweyne Trump ku dhawaaqay in diyaaradan jiilka lixaad  loo bixin doono magaca  F-47.

Trump wuxuu ku sheegay diyaaradan inay noqon doonto mid aan horey dunidda loo qiyaasin in dagaallo loo adeegsado. Wuxuu caddeeyay inay diyaaradan si tijaabo ah oo qarsoodi ah muddo shan sanno ah u duuleysay.

Diyaaradan F-47  ayuu sidoo kale sheegay Madaxweynaha dalka Mareykanka ,  ay ku qalabaysan yihiin tignoolajiyada casriga ah ee qarsoodiga ah, sidoo kale oo aan la arki karin, waxa uuna tilmaamay in ay leedahay  awood aan hore loo arag.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradan casriga ah lacagta lagu sameenayo ay dhantay  20 bilyan oo dollar, waxaana diyaaradan la filayaa in isticmaalkeeda milatariga Mareykanka loo ogolaado inta uusan dhammaan muddo xileedka Madaxweyne Trump.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir muhiim ah oo katirsanaa Jubbaland oo isku casilay Cabdirashiid Janan Owgiis !!

Cabdi Cade

Weeraro ku soo wajahan goobo ka tirsan Muqdisho & digniino adag oo la soo saaray

Caydiid Ali

Farmaajo oo qaaday tallaabo uu horey ugu dhaliili jiray madaxdii isaga ka horreysay !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---