Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo ka dhacay koontaroolka Garowe

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland , ayaa sheegaya in saakay koontaroolka bari ee Garowe laga soo galo uu ka dhacay iskahorimaad dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Iskahorimaadka ka dhacay koontaroolka ayaa wararku sheegayaan in uu u dhaxeeyay ciidamo katirsan booliiska Puntland iyo sidoo kale ciidamo kale oo katirsan PSF , kuwaa oo la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca magaalada Boosaaso.

Ciidanka booliiska ee ku sugnaa koontaroolka laga galo magaalada Garowe , ayaa la sheegay in ay is hortaag ku sameeyeen ciidanka ka yimid Boosaaso oo watay labo gaari oo nuuca dagaalka ah, waxaana muran kaddib halkaasi labada dhinac ku dhax maray dagaal dhiig ku daatay.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay iskahorimaadka ka dhacay koontaroolka bari ee Garawe, waxaa sidoo kale ku dhaawackay lix qof oo kale , kuwaa oo dhammaantood la geeyay isbitaal kuyaalla magaalada Garaowe oo xaaladooda lagula tacaalayo.

Sarkaal ka tirsan booliska Puntland  ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan afar maxbuus oo kamid ah ciidanka PSF iyo labadii baabuur ay sateen, waxa uu sheegay in raggan lagu daba-socday baabuur (Bas) ah ay ka dhaceen mas’uul dowladeed oo ku sugan Boosaaso, balse faahfaahin intaasi dheer ma bixin.

Iska horimaadkan ayaa imaanaya xilli ciidamada Puntland mashquul ku yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, mana jiro faahfaahino badan oo maamulka Puntland ka bixin dagaalkan saakay ciidankooda dhax maray.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo garab istaag u muujisay dowlada & shacabka Marooko

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo War kasoo saaray Doorashadii Aqalka Sare ee Kismaayo ka bilaabatay

Cabdi Cade

War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Dib u heshiisiinta KG iyo Muddo kordhin loo sameeyay Laftagareen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---