Dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka socda qaar kamid ah gobolada dalka, waxaa qeyb ka ah dad aysan lixaadkooda dhameyn, dad da’ ah iyo sidoo kale dad aan horey hubka u waday balse naceybka kooxdaasi darteed hubka u qaatay.
Cismaan Shariif waa nin ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba, balse taasi marnaba kama hor istaagin inuu noqdo halyey difaaca dadkiisa, waxa uuna ninkan go’aansaday in qorayga u qaato sidii uu ula dagaalami lahaa kooxda Al Shabaab, baddelkii uu caloolyow la jiifi lahaa.
Ninkan ayaa lixaadkiisa ku waayay waxyeelo ay u geesteen kooxda arxanka daran ee Al Shabaab, waxa uuna ninkan qorayga u qaatay sidii uu uga aarsan lahaa kooxdan dhibaateysay isaga iyo sidoo kale dad badan oon shacab ah oon waxba galabsan.
Cismaan Shariif, ayaana kamid noqday ciidanka deegaanka Al Kowthar ee hubka u qaatay difaaca deegaankooda iyo dadkooda, waxa uuna qorayga u sitaa sidii uu ula dagaallami lahaa kooxda Al Shabaab uu wali xasuusto dhibkii ay badeen.
Ninkan ay dhibaateeyeen Al Shabaab, waxa uu sheegay in geesinimadu aysan ku xirnayn xaaladda jireed ee qofka ku jiro, balse ay salka ku hayso kartida, go’aan-adaygga, iyo jacaylka uu qofku u qabo dadkiisa iyo dalkiisa cadawga ka difaacdo.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com