Ciidamada milatariga Sudan , ayaa hormaro waa weyn ka sameenaya dagaalka ay kula jiraan ciidamada gurmadka degdegga ee RSF, waxa ayna ciidamada la wareegeen xarumo iyo goobo kale ay kaga sugnaayeen magaalada Khartuum.
Dagaal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Khartuum, ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay ciidamada RSF, waxa ayna milatariga la wareegeen xarumo muhiim ah oo ciidamada RSF ka dhigteen saldhigyo ciidan oo ay gabbaad ka dhigtaan.
Afhayeen u hadlay milatariga Sudan , ayaa sheegay in ciidankooda la wareegeen xarumo badan ay ku jiraan xarunta bangiga dhaxe, matxafka Qaranka, buundada Al-Mak Nimr , xarunta jaamacadda Bayaan iyo goobo kale oo ku sugnaayeen RSF.
Ciidamada milatariga Sudan , ayaa isku dayaya in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta magaalada Khartuum, waxa ayna dhawaan la wareegeen xarunta Madaxtooyada Sudan oo aheyd saldhigii ugu weynaa ee RSF kaga sugnaayeen magaalada Khartuum.
Dagaalka sukeeye ee ka qarxay dalka Sudan oo socdo muddo labo sano ah, ayaa hadda u muuqda mid looga itaal roonaaday ciidamada RSFÂ oo laga qabsaday goobo badan, waxa ayna milatariga Sudan isku dayayaan in ay soo afjaraan jiritaanka kooxdaasi.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com