Dowladda Turkiga ,ayaa si weyn u raadineysa in ay hesho diyaaradda dagaalka Mareykanka soo saaro ee ee F-35 , waxa ayna wadahadal kula hirtaa Turkiga xukuumadda Washigton , si loogu oggolaado in ay iibsadaan diyaaradahaasi casriga ah.
Warbaahinta dalka Mareykanka , ayaa baahiyay in Madaxweyne Donald Trump shuruudo adag ku xiray in Turkiga ka iibiyaan diyaaradda dagaalka Mareykanka ee F-35 , waxa ayna baahiyeen in shuriudahasai haddii ay Turkiga fuliyaan in ay heli doonaan diyaaradaha F-35.
Telefishinka Fox News ee laga leeyahay dalka Mareykanka, ayaa sheegay in Madaxweyne Trump , Turkiga shuruud uga dhigay in marka hore kala furfuraan oo shaqada ka saaraan nidaamka difaaca S-400 ee Ruushka uu soo saaro.
Diyaaradahan oo Turkiga horey uga dalbaday Mareykanka ayaa la joojiyay in laga iibiyo, kaddib markii Mareykanka ka carooday in Turkiga kasoo iibsaday dalka Ruushka nidaamka Difaaca S-400 oo hadda Turkiga uu isticmaalo.
Dowladda Turkiga ,ayaan la ogeyn in ay aqbali doonto Shuruudan adag ee MadaxwEyne Trump ku xiray in ay helaan diyaaradaha dagaalka casriga ah ee F-35, waxaana Turkiga heesataan labo daran mid dooro, in ay ka tanaasulaan rabitaankooda diyaaradahan iyo in ay meesha ka saaraan nidaamka difaaca ee S-400.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com