Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta oo xiray garoonka Diyaaradaha ugu weyn ee Israa’iil

Kooxda Xuutiyiinta ee maamusha qeybo badan oo kamid ah dalka Yemen, ayaa sabab u noqday in uu xirmo garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion , kaddib weeraro joogto oo gantaalo ah oo kooxda ku qaaday garoonkaasi iyo goobaha ku dhaw dhaw.

Afhayeenka dhinaca milatariga ee Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa ku dhawaaqay inuu xiranyahay garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion oo ku yaalla Telaabiib , waxa uuna caddeeyay in garoonkaasi si joogto ah u weerari doonaan.

Yaxye Sariic, ayaana u sheegay shirkadaha diyaaradaha in aysan adeegsan karin garoonka Ben Gurion, waxa uuna xusay in garoonkaasi uu xiran yahay ayna ka go’an tahay in ay si joogto ah weeraro gantaalo ah ugu qaadaan garoonkaasi, ilaa Israa’iil joojineyso weerarada iyo xayiraada ay ku heyso Gasa.

”Waxaan idin ku wargelinayna laga billaabo waqtigan garoonka Ben Gurion, ma aha mid ammaan ah isku socodkiisa hawada… waan weerarreyna, waliba si joogta ah , ma adeegsan kartaan haddii kale waqti kasta waxaa halkaa jooga gantaaladeenna , wuuna ku sii jiri doonaa xaaladan illaa inta uu istaagayo duullaanka Qasa oo xayiraada laga qaadayo.”ayuu yiri Yaxye Sariic .

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaana sheegtay in 48 saac ee  lasoo dhaafay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ku qaadeen saddex weerar oo gantaalo ah, waxa ayna tallaabadan noqoneysaa mid saameyn weyn ku yeelata howlaha garoonkan oo si maalinle ah uga degaan diyaarado badan oo caalamka ka kala taga.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo hakiyey natiijada kursi dacwad laga keenay

Caydiid Ali

Ethopia faragalin noocee ah ayay ku haysaa Soomaaliya (Warbixin xasaasi ah)

admin

Booliska Muqdisho oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay nin dilay Sargaal booliis (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---