Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo lagu wareejiyay lacag magdhaw ah iyo cidda la siinayo oo…

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) iyo hay’adda Africa Risk Capacity (ARC) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo gabagabeeyay shir socday muddo shan maalin ah oo loogu gogol xaarayo yagleelidda qorshe lagu yareeynayo khatarta abaarta ee haatan ka jirta Soomaaliya

Hay’adda ARC ayaa Hay’adda SoDMA ku wareejisay lacag magdhow ah oo loogu tala-galay in lagu garab istaago dadka isbeddelka cimiladu saameyay, waxaana musaasabadda goobjoog ka aha xubno ka tirsan Baarlamaanka JFS, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, wakiillo ka socday Hay’adaha caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sharraxay saamaynta uu isbeddelka cimilada ku yeeshay Soomaaliya, isagoo xusay in abaaraha, fatahaadaha iyo colaadaha ka dhasha khayraad-yarida ay sababeen in 85% uu burburay tacabkii iyo wax soo saarkii beeraha.

Maxamuud Macalliin Cabdulle ,ayaa sheegay in lacagtan magdhawga ah ee kagu wareejiyay la sii doono dadka ay saameynta ugu badan ku yeeshay isbedeelka cimilada, si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wada Hadal toos ah u Bilowday dowladaha Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta

Cabdi Cade

Ciidanka Danab oo goor dhow Al-Shabaab kala Wareegay degmada Aw-Dheegle

Caydiid Ali

Xassan Shiikh: “Boobkii & awood Maroorsigii Farmaajo laga diiday ka yeeli mayno cid kale”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---