Milatariga Suudaan, ayaa xaqiijiyay guushoodii ugu sarreysay dagaalka muddada labada sanno ah socda oo ay ka gaarayaan gudaha caasimadda khartuum, kaddib markii ay la wareegeen xarumaha ay u adeegsanayeen saldhigyada difaac , ciidanka kooxda RSF.
Duullaan ballaaran oo labadii maalin ee u dambeysay si joogta ah uga socday xarunta madaxtooyadda Suudaan ee ku taal caasimadda Khartuum ayaa si rasmi ah milatariga waxay ku gaareen inay la wareegaan xaruntaa oo sidoo kale u shaqeynaysay saldhig difaac oo muhiim u ah RSF. Warbixinnada ay baahiyeen warbaahinta waxaa lagu sheegay in ciidanku markii hore la wareegeen albaabka bari ee madaxtooyada, isla markaana ay gudaha madaxtooyada ku dileen tobaneeyo ka tirsan ciidanka RSF, halka qaar kalena ay u suurtogashay inay u baxsadaan dhinaca suuqa Carabta iyo jidka Al-Ghaba ee bartamaha magaalada Khartuum.
Waxa xigay inay milatariga Suudaan soo saareen, warsaxaafadeed ay ku sheegeen in ay burburiyeen ciidanka RSF oo ku sugnaa bartamaha magaalada Khartuum, suuqa Carabta, dhismayaashii madaxtooyadda iyo wasaaradaha.
Afhayeenka ciidamada milatariga Suudaan Sarreeye Guuto Nabil Cabdallah ayaa intaa ku daray in ciidamada milatariga ay burburiyeen askartii iyo agabkii RSF, isla markaana ay gacanta ku dhigeen tiro badan oo ka mid ah qalabkii iyo hubkii ay wateen, isagoo ku nuux-nuux saday, “Dagaalka wuu soconaya illaa guusha laga gaarayo iyadoo la nadiifinayo taako kasta oo dalka ah.”
Dhankiisa, Taliyaha howlgallada Khartuum ee ciidanka milatariga Suudaan, Major General Muhammad Abdel Rahman Al-Bilawi, ayaa u sheegay Aljazeera in “ciidamada milatariga ay dhawaan u dhaqaaqi doonaan dhanka Garoonka Khartuum si ay dib ula wareegaan, ugana nadiifiyaan bariga caasimadda kooxda RSF.”
Warsaxaafadeed ka soo baxay RSF, waxay dhankooda ku sheegeen inuusan dagaalka dhammaan oo ay ku suganyihiin goobo aan ka fogeyn madaxtooyadda Suudaan, balse muuqaallada la arkay waa in loo diidday hal dagaallame oo ka tirsan RSF inuu ku socdo meel ku dhow xarunta madaxtooyadda iyo goobaha ay maanta la wareegeen milatariga Suudaan.
Sidee milatariga Suudaan ku gaaray guushan muhiimka ah?
Labo sanno kaddib milatariga Suudaan, waxay soo bandhigeen inay hoggaaminayaan dagaalka oo ay ku dhowyihiin inay gaaraan guul dhammeystiran, tani waxay ku timid dib u habeynta milatariga oo ay ku jirto inay dhiseen awood dheelitirka meesha ka saarta, kaddib markii ay heleen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hubka culus oo ay ku jiraan gantaallada wax burburiya ee goobta.
Is ballaarinta milatariga ee caasimadda Suudaan, waa guul muhiim ah oo awood siinaysa Janaraalka hoggaamiya milatariga ,Cabdi Fattax Al-Burhan, iyadoo si dhaqso ah dalal dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya usoo dhaweeyeen guusha uu milatariga ka gaaray dagaallada ka socda caasimadda Khartuum.
Milatariga waxay guushan muhiimka ah uga mahadcelinayaan hoggaamiyahooda Al-Burhan, laakin waxaa jirta istaraatijiyad dagaalkan wax ka beddeshay;
Waxaa cad in ciidanku si buuxda ugu guulaysteen hirgelinta istaraatiijiyad ciidan oo horumarsan oo ku salaysan in ciidamada cadowga loo qaybiyo; qaybo ama saldhig kasta oo ay ku suganyihiin laga go’doomiyo goobta xigta ee ay ku suganyihiin ,iyadoo milatari ahaan habkan loogu yeero ‘habka kala qaybsanaanta’. Nidaamkan dagaal wuxuu ka kooban yahay in koox kasta oo cadowga ah si gaar ah loola macaamilo,iyagoo aan wax gurmad ah heli karin, sababtoo ah waa la go’doomiyay oo ciidan kale la dul dhigay goob kasta oo kale oo gurmad uga imaan karo.
Faa’iidada istaraatiijiyadani, waa in cadowga kaa soo horjeeda waqti isku mid ah dabka la wada gaarsiiyo, waxayna kaga baahantahay inad marka hore si sax ah u qiimeyso , sida aad awood ugu leedahay inaad koox kasta oo cadowga ka tirsan u rogto kuwa dagaal aad kala hortagto iyo koox aad goobahooda ku cadaadiso, sida inaad u diiddo wax dhaqdhaqaaq ah adigoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo weerarro cadaaadis leh.
Istaraatiijiyadan milatari ee horumarsan waxaa lagu gaaraa sarraynta taatikada cad ee ciidanka, maadaama ciidamada cadawgu si tartiib tartiib ah oo habaysan looga takhaluso, aakhirkana loo gaaro guul dhammeystiran. Xata kala duwanaasha goobaha ee juquraafiga dhulka saameyn kuma yeelato istaraatijiyadan.
Waxa laga baran karo guusha hordhaca ah ee milatariga Suudaan ayaa ah in istaraatijiyadan ay ku gaareen inuusan jirin dookh kale oo aan ahayn inay wada dhintaan cadowga ama lagu khasbo inay dib u gurtaan ,iyagoo aan heleyn hab ay dib isugu abaabulan, maaddama saldhig kasta oo ay u baxsan kareen ay ciidanku dul joogaan,goobaha ay tagayaanna horey loo qiyaasay, si deg deg ahna looga dabatagayo ,natiijadana waxay noqonaysa in cadowgo firxado oo mid kasta naftiisa la baxsado.
Waa guul muhiim u ah ciidanka milatariga inay maamullayaan xarumaha dawladda ee caasimadda Khartuum, dagaalkana lagu koobayo goobo gaar ah oo ka tirsan Khartuum, laakin taa dhinaceeda kale milatariga ayaa ka gudbay bilowga caqabado ay dagaallo culus ka buuxaan, ma aha inay kula noqoto wax walba inay sidan u dhammaadeen..!
IMAN JAMA