Allbanaadir.com
NEWS

Nin Al Shabaab katirsan oo dil geesan rabay oo isaga la toogtay

Ciidamada amniga degmada Baardheere ee gobolka Gedo , ayaa caawa dilay nin la sheegay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab , kaa oo doonayay in uu dil geesto magaalada.

Sida aan wararka ku helnay ninkan hubeysan ee damacsanaa in uu dilka geesto , ayaa waxaa xogtiisa helay ciidamada amaanka, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay ciidanada amniga iyo ninka hubeysan.

Ciidamada amniga ayaa dilay ninka katirsanaa Al Shabaab ee dilka geysan rabay, waxaa sidoo kale iska horimaadka dhacay ku dhaawacmay labo qof oo shacab ahaa oo ku sugnaa goobta la isku farasaaray.

Laamaha ammaanka ayaa marar badan sidan oo kale dilal ugu geestay rag hubeysan oo damacsanaa in ay dilal u geestaan askar iyo sidoo kale dad kale oo shacab ahaa.

Related posts

Markab sirdoon oo aad uga cabsadaan reer Galbeedka oo dab qabsaday gurmadna diiday

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Baaq jilacsan u diray Waxgaradka iyo Shacabka Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

Deni oo si adag uga hadlay Go’aannadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---