Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo kulamo Xasaasi ah kawada Cadale (Sawirro)

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku hoyanaya degmada Cadalle ee Shabeellaha Dhexe ayaa halkaas kulammo gaar-gaar ah kula qaatay masuuliyiinta odeyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanno kamid gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo odeyaasha uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay garab istaagga Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee u taagan xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu.

Odayaasha iyo masuuliyiinta uu la kulmay Madaxweynaha , ayaa waxa ay ku bogaadiyeen sida ay uga go’an tahay dardar-gelinta howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ku sugan deegaannada ee dadkan uu la kulmay Madaxweynaha ay kasoo jeedaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale la kulmay saraakiil ciidan oo kasoo jeeda gobolka Shabeelaha Dhaxe, kuwaa uu kala hadlay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo sidii ay saraakiishan oo qaarkood cabasho qaba uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka.

Related posts

Caabuqa Faafa ee CoronaVirus oo Xiisad Cusub Dhexdhigay Quwadaha Adduunka!

Cabdi Cade

Kenya oo dalab ku saabsan Soomaaliya u gudbisay Golaha amniga Midowga Afrika

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Golaha Cusub ee Wasiirada Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---