Turkiga wuxuu wajahaya marxalad siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin dadweynaha kaddib markii xabsiga la dhigay duqii magaalada Istabul, Ekrem Imamoglu oo loo arkayay musharraxa ugu awoodda badan mucaaradka ee doonaya inuu xukunka dhaafiyo Erdogan!
Waa kuma Imamoglu?
Maxaase sababay xariggiisa?
Waa tan sheekadda oo dhamaystiran;
Booliska Turkiga ayaa xabsiga dhigay Ekrem Imamoglu, duqa magaalada Istanbul ahna musharraxa ugu weyn ee Erdogan la tartamaya, subaxnimadii Arbaca ee toddobaadkan!Tallaabo halis ah oo fallanqeeyayaashu u arkaan isku day lagu naafayno mucaaradka ka hor doorashooyinka, si Erdogan uu si buuxda ugu usii xoogaysto talada Turkiga.
Imamoglu waxaa loo xiray eedeymo ah “musuqmaasuq iyo argagixiso”, tallaabo ay mucaaradku ku tilmaameen mid siyaasadeed oo loogu talagalay in lagu cabburiyo.
Ololahaan wuxuu sidoo kale sababay in la xiro 100 qof oo kale, oo ay ku jiraan duqii magaalada Resul Emre Sahan iyo Murat Çalık, kuwaasoo si dastuuri ah loo doortay.
Bilihii la soo dhaafay cadaadiska lagu hayay mucaaradka ayaa sii kordhayay, ugu dambeyna waxaa la xiray Imamoglu, musharraxa ugu weyn ee halista ku ah Erdogan.
Labadooduba waa Erdogan iyo Imamoglu, waxay asal ahaan ka soo jeedaan xeebaha Badda Madow, waxaana sida Erdogan uu ugu soo shaac baxay xilka duqa magaalada Istanbul, sidoo kale Imamoglu wuxuu si guul leh u dhisay sumcad la mid ah.
Kadib xarigga Imamoglu, magaalada Istanbul waxay la kulanatay mudaaharaadyo ballaaran, waddooyinkana waxaa buux dhaafiyay dad mudaharaadaya, gaar ahaan arday, kuwaas oo ay isku dhaceen booliska.
Ciidamada ammaanka waxay kaga jawaabeen rabshadaha, gaas-ka ilmada keena iyo ulo, iyada oo ay sii kordhayso carada dadweynaha ee ka dhanka ah cadaadiska siyaasadeed ee sii xoogeysanaya.
Xarigga Imamoglu wuxuu yimid maalmo yar ka hor doorashada hordhaca ah ee CHP, halkaas oo loo saadaalinayay inuu noqdo musharraxa madaxweynaha ee xisbiggiisa matali doona.
Toddobaadkan, Jaamacadda Istanbul waxay ku dhawaaqday in ay meesha ka saarta shahaadadiisii jaamacadeed, iyagoo ku eedeeyay “ku xadgudub sharciyo”
Si aad ugu tartanto madaxweynaha Turkiga, waa in aad haysataa shahaado jaamacadeed!
Kahor inta aan la xirin, Imamoglu wuxuu ku tilmaamay cadaadiska lagu hayo inuu yahay “dhirbaaxo lagu qaaday rabitaanka shacabka.”
Markii la gaaray habeenimadii, taageerayaashiisa waxay isugu soo baxeen Jaamacadda Istanbul, iyada oo muuqaalka guud uu muujinayo caro sii kordhaysa oo ka dhan ah cadaadiska siyaasadeed ee lagu hayo.
Booliska Turkiga waxay billaabeen hawlgal ballaaran oo lagu xiryayo 105 qof oo kale, oo isugu jira shaqaalaha dawladda iyo dhaqdhaqaaqayaasha siyaasadeed.
Muuqaallo la helay ayaa muujinaya ciidamada ammaanka oo xiraya duqa degmada Şişli ee Istanbul, Resul Emre Şahan, taasoo muujinaysa in cadaadiska lagu hayo mucaaradka uu sii xumaanayo.
Kadib dhammaan dhacdooyinkaas, suuqa saamiyada Turkiga wuxuu hoos u dhacay 6.87%, taasoo keentay in ganacsigii la hakiyo.
Qiimaha lira-da Turkiga ayaa sidoo kale si weyn u kala duwanaaday, taasoo jabisay heerkii 38 lira halkii doollar, wuxuuna sii wadaa hoos u dhac.
Lira-du waxay gaadhay heerkii ugu hooseeyay ee abid, halka daynta dibadda ee Turkiga ay dhaaftay $500 bilyan.
Dhaqaaluhu wuxuu gacan ku hayaa siyaasadda, siyaasadduna waxay gacan ku haysaa inaad madax-adaygto!
Haddii lira-du sii burburto, riyada hoggaamiyahana way burburaysaa.
Bangiga maalgashiga Mareykanka Morgan Stanley wuxuu ku dhawaaqay inuu ka baxay suuqa saamiyada Turkiga.
Intii uu Erdogan xukunka hayay muddo 10 sanno ah, lira-du waxay lumisay qiimaheeda 18 jeer, taasoo gelisay Turkiga liiska 10-ka waddan ee ugu sicir-bararka badan adduunka.
Erdogan wuxuu xukunkiisa dheereystay muddo saddexaad, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii 2023, isagoo helay muddo xileed labaad.
Laakiin xisbigiisu wuxuu ku guul-darreystay inuu gacanta ku dhigo Istanbul, halkaasoo Imamoglu uu duq magaalo ka ahaa.
Bishii Maarso 2024, Imamoglu wuxuu mar kale ku guuleystay doorashada 51.14%, isagoo ka adkaaday musharraxii AKP.
Bannaanbaxyo ayaa ka bilowday magaalooyin badan, oo ay ku jiraan Ankara iyo Istanbul, iyada oo laga soo horjeedo caburinta xorriyadda hadalka, xariga suxufiyiinta, iyo cadaadiska lagu hayo mucaaradka siyaasadeed.
Mudaaharaadyadani maaha kuwo kooban, balse waa halbeeg muujinaya caro baahsan oo ka dhan ah siyaasadda xukuumadda hadda jirta.
Mudaharaadayaashu waxay billaabeen inay digsiyada iyo saxamada garaacaan, iftiinkana shitaan oo damiyaan, iyaga oo muujinaya caradooda ka dhanka ah xariga duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu.
Mucaaradka Turkiga waxay ku tilmaameen xariga Davutoglu mid si buuxda salka ugu haya siyaasad, halka toban kun oo qof ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalooyinka Turkiga, iyaga oo ku dhawaaqaya hal-ku-dhigyo ay ku taageerayaan Imamoglu, isla markaana ka soo horjeedaan Erdogan, sida:
“Erdogan waa kalitaliye – Iscasil, Recep Tayyip!”
Hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka Turkiga ee xisbiga CHP, Ozgur Ozel ayaa sheegay tallaabo kasta oo si sharci ah loogu diidayo duqa magaalada Istanbul ee xiran inuu u tartamo jagada madaxweynaha inay kaliya xoojineyso taageerrada xisbigooda, iyo in musharax kasta uu ku garaaci doono doorashada madaxweynaha hadda xilka haya ee Erdogan.
Madaxweynaha Turkiga, Erdogan wuxuu maanta sheegay ; “ Waxaa jira kuwa isku dayaya inay qalalaase ka abuuraan waddooyinka, sababtoo ah dacwad la xiriirta musuqmaasuq…Waxaan leenahay kuwa qaska wada- tuugada ka yeeli mayno….in hoggaamiyaha xisbiga loogu yeero CHP, uu dariiqyada u soo baxo halkii uu ka shaqayn lahaa garsoorka waa khalad iyo masuuliyad darro.”
Xaaladan waxay dib inoo xasuusinaysa taariikh hore;
Sannadkii 1999, nidaamka siyaasadeed ee Turkiga wuxuu abuuray halyeey mucaarad ah, markii la xiray duqii Istanbul ee waqtigaa oo ahaa Recep Tayyip Erdogan (eedaymo been abuur ah). Wuxuu galay xabsiga isagoo duq magaalo ah, laakiin wuxuu ka soo baxay isagoo xiddig siyaasadeed ah! Xadhiga Imamoglu miyuu la mid noqon doonaa taariikhdaas?
Xisbiga mucaaradka ah ee CHP, ayaa 23 sanno ee u dambeysay wuxuu ahaa xisbi wax badan ka dambeeya xisbiga AKP ee Erdogan, balse isbeddelo ayaa dhacay oo doorashadii u dambeysay ee golayaasha deegaanka wuxuu xisbiga CHP soo gaaray AKP!
Imamoglu, oo doorashooyinkii dawladaha hoose uga adkaaday Erdogan, ayaa la filayay in loo caleema saaro inuu noqdo musharraxa madaxweynaha ee xisbiga CHP , 23 bishan Maarso, isagoo taageero ka helaya 1.5 milyan oo codbixiye yaal ah.
Cod-bixinta loo gudbiyay Erdogan waxay u badan tahay inay muujisay in xitaa iyadoo uu haysto faa’iidooyinka hoggaamiyaha xilka haya iyo xakamaynta buuxda ee hay’adaha iyo warbaahinta, haddana Imamoglu ayaa wali uga horreeyo si weyn doorashada madaxweynaha. Taasi waa sababta Erdogan uu u doortay tilaabadaan ismiidaaminta ah si uu uga hor istaago Imamoglu!
Intaa waxaa dheer, iyadoo la filayay in 23 bishan Maarso ay 1.5 milyan oo xubnood oo ka tirsan CHP ay si rasmi ah ugu caleema saari lahaayeen Imamoglu inuu noqdo musharraxooda madaxweyne, Erdogan wuxuu qaatay go’aan ah in marka la gaaro waqtigaa, Imamoglu uu noqdo mid ka maqan goobta lagu dooranayo musharraxa doorashada ku matalaya xisbiga CHP. Sidaas darteed, wuxuu doortay inuu baabi’iyo musharraxnimadiisa intay weli curdan tahay.
Yaa ku guuleysanaya tartankan siyaasadeed Erdogan mise Imamoglu?
Erdogan wuxuu damacsan yahay inuu meesha ka saaro mustaqbalka siyaasadeed ee Imamoglu, laakiin ma ka walaacsan yahay inuu la kulmo falcelin caalami ah? Maya! Erdogan waa siyaasi si fiican u akhriya jihada siyaasadda dunidda, wuxuuna Turkiga ka dhigay xulufo muhiim ah oo door ka ciyaara marxaladda adduunka iyo tartanka caalamiga ah—laga billaabo Suuriya, Ukraine, illaa tartanka awoodaha waaweyn—sidaas darteed, wuxuu aaminsan yahay in cidina aysan si dhab ah u dhaliili doonin tallaabadiisa.
Turkiga maanta waa dal ka duwan sannadkii 1999, maaddaama uu soo maray marxalad uu Erdogan si buuxda u qabsaday hay’adaha dawladda. Meelaha lagu fallanqeeyo arrimaha bulshada iyo dhaqdhaqaaqa rayidka ah way xadidan yihiin, taasoo ka dhigan in aysan jirin fursad weyn oo Imamoglu markale loogu dhisi karo sumcad ahaan!
Awoodda ugu weyn ee Imamoglu waa Imamoglu laftiisa. Wuxuu la jaanqaadi karaa shacabka, waa qof ka soo jeeda Anatolia, waa “İstanbullu” (wax ka yaqaanna nolosha iyo siyaasadda), waa mutaqqi iyo qaran-doon—sida Erdogan laftiisa. Laakiin farqiga ugu weyn ayaa ah in halkii Erdogan uu taageero ka heysto keliya taageerayaal xisbiga AKP.
Ugu dambeyntii, xaaladda wali waa mid ruxmaysa oo inooga baahan inan siino maalmo iyo toddobaadyo, sababtoo ah isku soo baxyada ayaa dib u billaabanaya caawa, xaaladuna waa mid wali kacsan..! Waxaan kaga tagay aragtiida marxaladan.
W/Q Iman Jamac