Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay guusha Milatariga Sudan gaareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo bayaan soo saartay ayaa sheegtay in ay si weyn u soo dhaweynayso warka ku saabsan in ciidamada dowladda Suudaan dib ula wareegeen xaruntii madaxtooyada dalkaasi ee bartamaha caasimadda Khartuum, kaddib laba sanno oo halgan hubaysan ah.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi muhiim u tahay ilaalinta qarannimada Suudaan iyo adkaynta hiigsiga dalkaasi ee ku jihaysan hirgelinta nabadda iyo ammaanka, waxaana bayaankaasi soo baxay saacado kaddib markii xoogaga birmadka deg deg ah ee RSF lagu jebiyay dagaalkii caasimadda Khartuum.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si weyn u soo dhaweynaysaa warka ku saabsan in ciidamada dowladda Suudaan dib ula wareegeen xaruntii madaxtooyada dalkaasi ee bartamaha caasimadda Khartuum, kaddib laba sanno oo halgan hubaysan ah. Tallaabadaasi oo muhiim u ah ilaalinta qarannimada Suudaan iyo adkaynta hiigsigooda ku jihaysan nabadda iyo ammaanka” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in ay ku celinayso mowqifkeeda sugan ee taageeridda qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Suudaan, islamarkaana garab taagan tahay hay’adaha sharciga ah ee Suudaan, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida dalkaasi” Dowladda Soomaaliya, waxay ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeridda qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Suudaan” ayuu sii raaciyay bayaanka.

Related posts

(Sawirro) QM oo xarun ka furaneysa Mid ka mid ah dowlad goboleedyada dalka

Caydiid Ali

Deni, Axmed Madoobe iyo xubnaha Mucaaradka oo kulan ku yeelanaya Nairobi

Caydiid Ali

Sawir Gacmeed uu sameeyey farshaxaniiste Afrikaan ah oo lagu iibsaday lacag Waali ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---