Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda oo u guureysa furumaha hore ee Dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg-deg oo looga hadlayo amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumaddisu ay u guuri doonto furrimaha dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed heystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari doono kooxaha Khawaarijta ah, maadama ay ku jiraan marxalad dhammaad ah, lana doonayo in shacabka Soomaaliyeed gamcaha isu qabsadaan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen ilaalinta amnigooda iyo xasilloonida dalka, isaga oo faray hey’adaha amniga in ay sii xoojiyaan xaqiijinta amniga caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey howlgallada socda ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay ku ciribtirayaan kooxaha baneystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee laga sifeyn doono guud ahaan dalka.

Related posts

Laftagareen oo ka tagay Muqdisho xili uu fashilmay xalinta Khilaafka Farmajo iyo Roble (Sawirro)

Cabdi Cade

DF oo ka hadashay halka uu marayo qorshaha wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab

Caydiid Ali

Somaliland: “Soomaalinmo maaha in DF diido kiisaska Coronaviruska aan helnay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---