Ciidamada amaanka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa ka hortagey weerar Al Shabaab ku soo qaadey degmadaas, Waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal culus
Waxaa dagaalkaas kagu lagu qabtey muuqaal duubihii Al Shabaab ee dagaalkaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Axmed Maxamed (Cabdicasiis).
Ninkan oo wata qalabkii uu wax ka duubayey ayaa haatan ku jira gacanta laamaha amaanka degmada Waajib kuwaasoo sheegay iney maxkamad soo taagi doonaan.
Sidoo kale Laamaha Amaanka degmada Waajid ayaa sheegay iney fashiliyey qaraxyo miino ah oo ay diyaariyeen  xubno ka tirsan Al Shabaab degmada.
Al Shabaab ayaa miino ku aasay agagaarka garoonka diyaaradaha degmada halka mid kalena ay dhigeen inta u dhaxeyso magaalada iyo garoonka.
Xaalada degmada Waajib ayaa haatan degan waxaana gacanta ku haya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA