Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika oo Muqdisho imanaya

Gudoomiyaha cusub ee Midowga Africa Maxamuud Cali Yuusuf,  ayaa maalinta Axad ah ku soo wajahan magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Booqashada Maxamuud ayaa ka dhigan in uu Soomaaliya u xushay wadankii 1aad ee uu booqanayo tan iyo markii loo doortay gudoonka Midowga Africa.

Maxamuud oo taageero ka helay Soomaaliya xiligii codaynta ayaa la kulmi doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo kala hadli doono dhinacyada ay iska kaashan karaan Soomaaliya iyo Midowga Africa.

Soomaaliya ayaa sidoo kale Midowga Africa waydiisan doonta mashaariicda Hormarineed ee uu bixiyo bankiga hormarinta Africa iyo kaalinta midowga Africa ee amniga Soomaaliya.

Gudoomiyaha cusub ee Midowga Africa Maxamuud Cali Yuusuf waxaa safarkiisa Muqdisho ku wehlin doona masuuliyiin iyo saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Afrika

Related posts

Madaxweyne Xasan oo qeyb galay furitaanka meertada 38-aad ee Midowga Afrika

Cabdi Cade

Waa sidee xaalada Caafimaad Laacibkii hore ee Reer Brazil Pele oo Isbitaal ku jira?

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil oo rejo ka muujiyay in kooxda Xamaas ay….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---