Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo) Dhaqtar uu dawo u doontay oo mugdi u bedelay Noloshiisa

Marxaladaha Nolosha bani’aadamka waxaa ugu qaalisan dhalinyaro-nimada oo ah xiliga ugu firfircoon ee uu qofka u shaqeysan karo aduunyadiisa iyo maalinta dambe ee qiyaamaha.

Maxaad u maleyneysaa xanuunka ay leedahay qof dhalinyaro ah oo aragiisii si fudud ku waayey?

Muumin Axmed Ciise waa Soomaali 43 sano jir ah, Indhoole ah, kana soo jeeda qoys sabool ah, waxaana uu leeyahay Xaas iyo dhowr caruur ah oo yar yar.

Dhibanaha waxaa uu sheegay in 15 sano ka hor uu ahaa qof si caadi ah wax u arka oo qoyskiisa iyo caruurtiisa u shaqeeya, uuna rooti ku iibin jiray Suuqyada Muqdisho qaarkood.

Hase ahaatee waxaa uu xusay in noloshiisa ay si lama filaan ah mugdi u gashay markii ay ka dilaacday ishiisa Midig ka dib markii uu ku shubay Daawo markii dambe la ogaaday iney khalad aheyd oo uu dhaqtar u soo qoray.

“Isha kale ee bidixda ah iyana waxaa dul-fuulay Caad sababay aragti la’aan, waxaan kala garan karaa oo kaliya mugdiga habeenkii iyo iftiinka maalintii wax kale ma arki karo” ayuu yiri Muumin.

Waxaa uu intaa ku daray inuu booqday dhaqaatiir badan oo indhaha ku taqasusay balse ay sheegeen in xaaladiisa aan waxba laga qaban karin

“Meel madow ayaan soo fariistay, aniga iyo ciyaalkeygana waxaan ku nool nahay guri buush ah oo ku yaalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho reeraha deriska ayaa mararka qaarkood inoo keena cunto yar oo aan nafta ku ceshano, habeenada qaarkoodna qatooyo ayaan ku seexanaa waa qadar ALLE waana ku qanacsanahay” ayuu intaa ku daray Muumin.

Xaaska caruurta u dhashay Muumin ayaa iyana sanado ka hor naafo ka noqotay dhabarka ka dib markii uu ku dhacay Cudurka TB-da haleesha lafaha, ma socon karto wax dhaqdhaqaaq ahna ma sameyn karto.

“Waxaan ka codsanayaa walaalahey muslimiinta ah ee caalamka ku nool inta awoodi karta, sida ganacsatada, muxsiniinta, Jaaliyadaha dibeda iyo inta ILAAHAY wax siiyey iney ALLE dartii wax iigu qabtaan” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Muumin oo wejigiisa ay ka muuqatay murugo  badan.

Haddii aad dooneyso inaad ILLAAHAY dartii u caawiso dhibane Muumin Axmed Ciise iyo qoyskiisa kala xiriir toos telefankan oo sidoo kale leh Whatsapp uu toos kaaga qabanayo aabaha qoyskan +252-(0615406674) Muqdisho, Somalia.

HOOS KA DAAWO MUUMIN OO KA HADLAYA XAALADIISA

Related posts

Hogaanka Guud ee Xisbiga Kulmiye oo maanta la doortay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dalal Yurub katirsan oo ka cabsanaya weerar nukliyeer iyo dadka oo la barayo…

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo lagu arkay jidka Xamar & Afgooye (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---