Puntland ayaa shaacisay in dowladda Soomaaliya ay si hoose dhallinyaro uga qoraneyso deegaannada Puntland si ay u askarayso uguna adeegsato dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in magaalada Boosaaso lagu qabtay siddeed dhallinyaro ah oo la ogaaday in laga dhoofinayay magaalada, kuwaasoo uu sheegay inay u socdeen magaalada Muqdisho, loona kaxeynayey DF.
“Dowladda Federaalka ayaa doonaysa inay dhalinyaradaas si qorshe la’aan ah ugu haligto furimaha dagaalka Shabaab, waxaana dhallinyarada loo sheegay warar been ah oo la xiriira inay ka shaqeynayaaan doorashooyinka qof iyo cod” ayuu yiri Wasiirka
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa dhallinyarada degaanadaas ugu baaqay inay ku sugnaadaan dhulkooda, kana feejignaadaan in loo adeegsado dagaalka al shabaab oo uu ku tilmaamay mid qorshe la’aan ah.
Hadalka ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmo ka hor ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda Federaalka ay ciidamo ka qoranayso magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso si loo tababaro looguna adeegsado dagaalka Al shabaab.
Dhinaca kale, dad badan ayaa isweydiinaya ciidanka laga waayey koonfurta Somalia ee DF ka doonatay degaanada Puntland, iyagoo shaki geliyey jiritaanka warbixinada noocaas ah oo ay ku tilmaameen kuwo dacaayad ah, iyadoo DF aysan weli ka hadlin arrimahan.