Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Wadajir oo kaashanaya xubno kamid ah Shacabka Dagmada ayaa soo xiray eedeysane, Saabir Cabdi Xasan 18 jir ah
Ninkan dhalinyarada ah ayaa ku eedeysan inuu ku kacay Falal Anshax-Xumo ah, oo liddi ku ah diinteena suuban, asaga oo ku dhex sugan beedka illaheey sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Booliska DF.
Saabir Cabdi Xasan ayaa ka soo muuqday muuqaal laga baahiyey baraha bulshada isagoo ku sugan masdjidka Cali Jimcaale isla markaana muujinaya cowradisa hoose taasoo ka careysiisay dad badan.
Booliska ma sheegin talaabada laga qaadi doono xariga ka dib falka anshax xumada ah ee uu ku kacay Saabir Cabdi Xasan.
“Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal amaanka liddi ku ah la soo xiriir xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banadir@police.g.v.so” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka Booliska.