Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo ka qeyb gashay bandhig ka dhacaya Addis Ababa (Sawirro)

Soomaaliya ayaa ka qeyb galeysa Bandhigga 2aad ee Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka Bariga Afrika oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowlada Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaarey magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb qaataan kulankaasi ballaaran oo ay ka qeyb gelayaan Wasiirrada Dhaqanka ee dalalka Soomaaliya, Burundi, Uganda, Rwanda, Djibouti, Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, Tanzania, Kenya iyo Ethiopia oo martigelineysa.

Kulankaasi waxaa maanta si rasmi ah magaalada Addis Ababa uga furay Ra’iisul Wasaare Ku- Xigeenka Ethiopia Mudane Temesgen Tiruneh.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys ayaa sheegay in kulankan ujeedkiisu yahay in dhaqanka loo adeegsado xoojinta, isku xirka, xiriirka diblomaasiyadeed, is dhexgalka bulshada iyo iskaashiga dalalka Bariga Afirka.

Munaasabadan oo hal-ku-dhig looga dhigay “Fanka iyo Dhaqanka oo loo Adeegsanayo Is-dhex-galka Gobolka” ayaa kulmisa bulshooyinka ku dhaqan dalalka Gobolka Bariga Afrika.

Related posts

Maamulka Somaliland oo u Mahad celiyay Dowlada Federaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Meydka RW hore oo lagu aasay Garoowe & Madax badan oo ka qeyb gashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Cabashadii keentay Babaanbixii maanta ka dhacay Muqdisho oo la xaliyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---