Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo beenisay wareysi ay baahisay Al-Jazeera

Somaliland ayaa beenisay warbixin ay warbaahinta Al Jazeera ku sheegtay in dib u dejinta dadka reer Qasa ay Somaliland Diyaar u tahay hadii ay aqoonsi ka hesho Maraykanka iyo Israa’iil.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ka fal celiyey habka ay Al Jazeera u turjumtay wareysi uu dhawaan siiyay warbaahinta Israa’iil ee KAN, oo wax lagaga weydiiyay qorshaha Trump ee barakicinta dadka reer Qasa.

“Somaliland cidna kalama yeelan wadahadal ama heshiis ku saabsan arrimaha Falastiiniyiinta. Somaliland waxay aqoonsi ku doonaysaa taariikhdeeda gaarka ah iyo tobanaankii sano ee ay ahayd dimuqraadiyad si gaar ah u taagan,” ayuu yiri Wasiirka.

Sida ay Al Jazeera u turjumtay hadalkiisa ayuu ku tilmaamay mid la marin habaabiyey. “Buunbuuninta dhawaan ay Al Jazeera samaysay waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxay si khaldan u turjuntay mowqifka cad ee joogtada ah ee Somaliland ku wajahdo arrimaha diblomaasiyadda,” ayuu sii raaciyay.

Hadalka Al Jazeera ee wasiirka, ayaa buuq ka dhaliyay baraha bulshada. Dad badan oo caan ka ah barta X ayaa wasiirka ugu baaqay inuu  cadeeyo mowqifkiisa saxda ah.

“Wareysiga aan siiyey KAN, oo ay turjuntay The Jerusalem Post, waxaan ku sheegay inayn jirin cid arrimaha Qasa kala hadashay Somaliland, sidaas darteedna aanu doonayn in uu ka hadlo wax aan jirin. waxaana xusay in dowladdii doonaysa inay Somaliland kala hadasho arrimaha qaar ay tahay in ay marka hore aqoonsato madaxbannaanideeda” ayuu yiri

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo shir muhiim ah uga qeyb galay magaalada Makka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamada Ukraine oo gubay markab gaadiid milateri u waday Ruushka (Sawirro)

Caydiid Ali

Shirka dib u dhiska dalka oo Muqdisho ka furmay & Khayre oo ka qeyb galay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---