Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in howlgallo duqeyn ah oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 82 xubnood oo isugu jira Horjoogeyaal iyo dagaalyahano, halka 19 kalena dhaawac culus lagu gaarsiiyay duqeynta.
Duqeyntan ayaa timid ka dib markii xoogaga Al shabaab ay weerar qaraxyo ku bilowday iyo mid toos ah ku qaadeen xeryaha ciidamada DF ku leeyihiin labada degaan
Hay’adda NISA, ayaa markale dadka rayidka ah ku wargalisay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan al shabaab oo ay sheegtay iney bartilmaameed u yihiin Ciidamada Qaranka.