Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa ka qaybgalay kulanka dhaarinta Guddiga diyaarinta Dastuurka. Sidoo kale waxaa isna goob joog ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka iyo wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, dastuurka iyo diinta.
Hoggaamiyaha ayaa xusay ahmiyadda uu Dastuurkani u yeelan doono dadka iyo deegaanka SSC-Khaatumo, isagoona kula dardaarmay xubnaha guddiga inay xil gaar ah iska saaraan diyaarinta dastuurkan markasta maan ka ku hayaan ahmiyadda uu u leeyahay SSC-Khaatumo.
Ugu dambayn, hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey xubnaha guddiga qaadista Masuuliyaddan culus, kuna boorriyey la tashiyada dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada
Golaha Wasiirada khaatumo ayaa dhowaan ansixiyey magacyada xubnaha guddiga oo kala ah
- Dr. Cabdinaasir Maxamed Barre “Abuushaybe”
- Garyaqaan. Keyse Siciid Cartan
- Sheekh Axmed Maxamed Saleebaan
- Dr. Sheekh Axmed Jaamac Ismaaciil Mire
- Xildh. Axmed Cabdi Cali-shire
- Marwo Aamina Yuusuf Guuhaad
- Drs. Nimco Cabdi Ciise
- Xildh. Maxamed Maxamuud Cali
- Mud. Xamse Cabdiraxmaan Axmed
- Mud. Jaamac Cismaan Saleebaan
- Marwo Samsam Abshir Cilmi
- Xildh. Maxamuud Cismaan Nuur
- Xildh Cali Axmed Cali
- Dr. Maxamed Xasan Maxamed
- Mud. Cabdiraxmaan Saleebaan Ismaaciil
Guddigan oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa hoggaamin doonna geeddi-socodka wadatashiyada Dastuurka, iyagoona wadatashiyo la samayn-doonna dhammaan qaybha kala duwan ee bulshada si loo helo Dastuur dhammaystiran.