Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidammada shacabiga ah ee Macawisleyda, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo culumida deegaanka.
Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay masuuliyiinta, saraakiisha iyo waxgaradka Cadale talooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka, isaga oo ku bogaadiyey bulshada Hirshabeelle sida ay dhiiggooda ugu horuyaan in ay iska dulqaadaan argagixisada gumaadka ku haya dadkooda.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada Cadale ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa u kuurgalaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaadanaya Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado dagaalka argagixisada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA