Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab oo lagu arkay jidka Xamar & Afgooye (Sawirro)

Shacabka Muqdisho ayaa caawa si aad ah u hadal haya xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gabal dhicii maanta lagu arkay wadadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

Waxay halkaas isugu keeneen gaadiidkii gudaha Magaalada ka baxayey iyo kuwii soo galayey, iyagoo amaro kala duwana siinayey darawalada gaadiidka iyo Mootooyinka.

Shacabka ayaa arrintaasi cabsi xoogan ka muujinaya, xilli lagu guda jiro maalmihii u danbeeyey bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Xubnahan ka tirsan Al shabaab ayaa la sheegay iney goobtaas isaga tageen markii ay isaga qaadeen sawiro ay markii dambe ku baahiyeen baraha bulshada.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka DF ayaa sheegay in Al shabaab ay halkaas si dhuumaaleysi ah ku yimaadeen ayna joogeen daqiiqado aad u kooban si ay isaga qaadaan sawiro ay borobogaan ahaan u isticmaalaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

RW Rooble oo xariga ka jaray Dugsiga agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (Sawirro)

Cabdi Cade

Gabar Sabab layaab leh u liqday Tubo balaastik ah iyo sabab layaab leh oo keentay !

Cabdi Cade

Dagaal caawa ka dhacay Magaalada Marko iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---