Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Taliska Booliska Somalia oo kulan xasaasi ah ka yeeshay..

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa shir gudoomiyey kullan looga hadlayey Horumarinta howlaha baarista dambiyada si loo hagaajiyo nidaamka Cadaaladda baarista Dambiyada iyo Amniga Dalka.

Kulanka waxa kasoo qeyb-galay Qeybta guud ee Boliiska Gobalka Banaadir,Hogaanka Baarista Dambiyada,Taliyaasha qeybaha Baarista iyo Saraakiisha laamaha amaanka qeybahooda kala duwan

Waxaa laysla meel dhigay fududeynta qaabilaada dhibanayaasha, Dhowrista xaquuqda aadanaha, daadajinta adeegga Bulshada iyo Dhowrista sareynta sharciga iyo cadaaladda .

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa Saraakiisha faray in wada shaqeynta dhexdooda xoojiyaan isla markaana la sameeyo nidaam xog wadaag oo meesha ka saaraya caqabadaha mararka qeybtood ragaadin kara shaqada Bulshada loo hayo.

Related posts

Jubbaland oo gashay xaalad hubaal la’aan ah iyo Walaac dadka lasoo darsay

Cabdi Cade

Dowladaha Somalia & Denmark oo wadahadal ku yeeshay Magaalada Washington

Caydiid Ali

Dowlada oo War kasoo saartay Sababta gabi ahaanba loo joojiyay Muxaadaradii Sheekh Umal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---