Wafdigii u horreeyay oo ka socda Mareykanka ayaa gaaray magaalada Kabul si ay wada-hadallo ula yeeshaan saraakiisha dawladda Afgaanistaan, iyadoo uu qaabbilay wasiirka arrimaha dibadda Afgaanistaan, Amir Khan Muttaqi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Kulanka saraakiisha Mareykanka oo uu hoggaaminayay ergayga Trump ee arrimaha maxaabiista, ayaa la sheegay in looga hadlay arrimaha la xiriira maxaabiista, xilli Taalibaan ay sii deysay illaa afar maxbuus oo Mareykan ah tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkan.
Waxaa u dambeeyay sii deynta George Glezmann oo ah muwaadin Mareykan ah oo ku xirnaa Afgaanistaan tan iyo sannadkii 2022 oo la xaqiijiyay in maanta la sii daayay, kaddib wada xaajood ay dhex dhexaadisay dawladda Qatar.
Afgaanistaan ​​iyo Maraykanku waa in ay ka soo baxaan saameyntii 20-kii sano ee dagaalka, ayna yeeshaan xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaale”, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Afgaanistaan, Amir Khan Muttaqi, markii uu soo dhammaaday kulanka.
Waa wafdigii ugu horeeyey mareykan ah ee booqda Afganistan tan iyo markii ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO ay ka baxeen dalkaas sanado ka hor, xiligaasoo ay talada afganistan dib ula wareegeen kooxda Taliban oo mareykanku dagaal kula jiray muddo 20 sano ka badan.