Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen ciidamo katirsan macawuusleyda gobolka Shabeelaha Dhaxe , ayaa lagu dilay xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxa ayna ciidamada la wareegeen hub iyo agabyo kale oo ay wateen ragga la dilay.
Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in labo xubnood oo katirsanaa Al Shabaab oo watay mooto nuuca Fekonta ah lagu dilay deegaanka Galharuur oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, kaddib markii ciidanka deegaanka jidka u galeen raggan.
Ciidanka deegaanka ayaana la wareegay labo qoray oo nuuca AK-47 ah oo ay wateen ragga la dilay, waxa ay sidoo kale ciidamada la wareegeen mooto nuuca Fekonta ah iyo sidoo kale agabyo kale ay wateen oo ay ku jiraan bacaha looga dhuunto duqeymaha diyaaradaha.
Howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ay fulinayaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa kusii kordhaya gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana howlgaladan lagu naafeeyay kooxda Al Shabaab oo awood kusoo gashay gobolkan oo horey looga sifeeyay.


Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com