Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ayaa qoraal ay goordhaw soo saareen ku faahfaahiyay khasaaraha kooxda Al Shabaab lagu gaarsiiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo ka dhacday deegaanka Maalin Nugur oo hoostagta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Duqeyntan ayey sheegeen milatariga Soomaaliya in lagu dilay saraakiil sar sare oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxaana kamid ah xubnaha Al Shabaab ee lagu dilay duqeyntan Axmed Macallin oo taliska ciidanka xoogga sheegeen in uu ahaa horjoogihii Al Shabaab ee degmada Ceelbuur.
Waxaa sidoo kale duqeynta lagu dilay xubno kale oo Al Shabaab u qaabilsanaa deegaannada Ceelgaras iyo Xiindheere oo hoostaga degmada Ceelbuur, saraakiishan ayaa lala dilay xubno kale oo sar sare oo kooxdaasi katirsanaa iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com