Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee (NISA), ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan saddex nin oo lagu eedeeyay in ay doonayen in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.
Howlgal ay ciidanka NISA ka fuliyeen duleedka degmada Dayniile ayey kusoo qabteen saddexdan nin ee lagu eedeeyay in ay ku howlanaayeen in qaraxyo lagu waxyeeleeyo shacabka soo galiyaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Labo kamid ah raggan la qabtay ayaa warka kasoo baxay NISA lagu sheegay in lagu qabtay degmada Dayniile xilli ay wadeen 8-xabo miino ah, kuwaa oo shan kamid ah ahaayeen nuuca dhajiska ah iyo saddex xabo oo iyana ahaa nuuca soo boodada ah.
Ciidamada NISA , ayaa sidoo kale howlgal kale ay ka sameeyeen degmada Dharkeenley waxa ay kusoo qabteen Cali Maxamed Cabdi (Cali Fowdo), kaa oo la sheegay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab , waxaana ninkan la sheegay in Muqdisho u yimid fulinta dilal qorsheysan.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com