Shacabka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, ayaa xalay qaaday tallaabo si weyn loogu riyaaqay, kaddib markii ay nolosha ku qabteen nin dhallinyaro ah oo la sheegay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab, kaa oo doonayay in bam gacmeed ku tuuro Jaacamadda Gaheyr.
Dhallinyaro ayaa helay xogta ninkan doonayay inĀ weerar bambaano geesto, waxa ayna dhallinyaradan nolosha ku qabteen ninkan katirsanaa Al Shabaab,waxa ayna ka duubeen muuqaallo iyaga oo garaacaya ninkan bahdilna u geesanaya.
Sida aan wararka ku helnay dhallinyarada qabtay ninkan katirsanaa Al Shabaab ayaa jirdil ay u geesteen kaddib, waxa ay gacanta u galiyeen laamaha ammaanka degmada Dayniile gaar ahaan ciidanka nabadsugidda , kuwaa oo la wareegay ninkan kuna sameenaya baaritaanno.
Muuqaalka ay dhallinyaradan ka duubeen ninkan katirsanaa Al Shabaab ay qabteen , ayaa si weyn xalay loogu baahiyay baraha bulshada, waxaana dhallinyarada Dayniile lagu bogaadiyay tallaabadan geesinimada leh ay qaadeen kuna qabteen ninkan dhagarqabaha ahaa.
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com