Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo shaacisay xilliga lasoo afjarayo wajiga 3-aad ee dagaalka Daacish

Ciidamada difaaca maamulka Puntland , ayaa wali buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ka wada dagaal xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada howlgalka ka gaareen guulo wax ku ool ah , iyagoo Daacish kala wareegay deegaanno badan oo ay horey u joogeen.

Hoggaanka guud ee hawlgelinta ciidamada difaaca Puntland S/Guuto Maxamed Aadan Jaamac (Degelle), ayaa sheegay in hadda meel wannaagsan uu marayo howlgallka ciribta tirka Daacish, waxa uuna xusay in ciidamada howlgalkii ugu dambeeyay guulo ka gaareen.

“Hawlgalkii Hillaac ee Taliska guud uu qorsheeyay in lagu qaado ceelka Miiraale oo ah meeshii u danbaysay ee ay ku sii harsan yihiin firxadka argagixisada Daacish, waxa hawlgalkaasi u fulay dhammaan sidii loo qorsheeyay, ilaah baa mahadleh, dhammaan qorshe kasta oo la diyaariyay waa fulay.” ayuu yiri taliye Degelle.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada Puntland burvuriyeen dhammaan difaacyadii kooxda Dacaish ee Ceelka Miraale, waxa uuna xusay in halkaasi ciidamada ku dileen dagaallamayaal badan, waxa uuna xusay in ciidamada si buuxda ula wareegeen aagga howlgalka ka dhacay.

” Waxaa la burburiyay dhammaan difaacyadii ilaalada ee ku meersanaa ceelka Miiraale waxaana halkaasi ciidamadu ku dileen in ka badan 35 dagaallame oo ka tirsanaa argagixisada kaddibna waxaan kala wareegnay dhammaan Talisyadii ku wareegsanaa waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada difaaca dowladda Puntland” ayuu yiri S/Guuto Maxamed Degelle.

Taliayaha howlgalinta ciidamada difaaca Puntland , ayaana caddeeyay in hadda gebogebo marayo howlgalka wajiga saddexaad, ayna rejo badan ka qabaan in howlgalka soo afjaraan kahor inta aan la gaarin ciidda oo hadda ka harsan tahay ilaa toban maalin.

“Hawlgalkii wejiga saddexaad baa socda oo hadda geba-gebo ah, waxaa noo qorshaysan ilaahay idankii intaan iidda la gaarin in aan dhammaan sifayno meel kasta oo ay ku dhuumanayan firxadkooda, waxaan rajaynayaa in iidda ka hor aan dhammaystirno wejiga saddexaad ee hawlgalka” ayuu sii raaciyay hoggaanka guud ee hawlgelinta ciidamada difaaca Puntland .

Ciidamada Puntland oo taageero dhinaca cirka ah helaya ayaa guulo waa weyn ka gaaray dagaalka ay kusoo afjarayaan kooxda Daacish, waxa ayna Puntland dagaalkan ku dishay dagaalyahanno badan oo katirsan Dacaish , waxa ay sidoo kale la wareegeen hub badan iyo saanad ciidan oo Daacish laheyd.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Theresa May oo booqashadeedii ugu horeysay ku imaneysa qaarada Afrika

Caydiid Ali

Farmaajo iyo kooxdiisa oo Cadaadis xoogan ku bilaabay Guddi dhawaan la magacaabay

Cabdi Cade

DEG DEG: Qalbi-dhagax oo afar sano ka dib lagu soo dhoweeyey Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---