Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo muddo labo bilood ah u qabtay Iran

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa u sheegay hoggaamiyaha sare ee Iran , Ali Khamenei inuu heysto muddo labo bilood ah si uu u go’aansado inuu qaadanayo heshiis la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran.

Haddii ay dhacdo inuu iska diiddo heshiiska, wuxuu Mareykanku sheegay inuu qaadanayo ikhtiyaar kale oo ah inuu duullaan ku qaado Iran, sida ay ku warrantay warbaahinta Axios oo sheegtay in hanjabaadan lagu qoray warqadaha uu Trump u diray Khamenei.

Warqadan ayaa waxaa maalmo ka hor ergayga Trump Steve Witkoff u gudbiyay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed (MBZ) kulan ka dhacay Abu Dhabi.

Maalin ka dib, ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Imaaraadka Carabta,  Anwar Gargash wuxuu u safray Tehraan wuxuuna warqadda u dhiibay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran,Abbas Araghchi.

Ka hor inta aan warqadda la geynin Iran, Aqalka Cad wuxuu warbixin ka siiyay dhowr xulafada Mareykanka ah oo ay ku jiraan Israa’iil, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay Axios.

Related posts

Sheekh Shariif iyo Xasan Kheyre oo Muqdisho kulan Xasaasi ah ku yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliye katirsan Ciidanka maamulka Somaliland oo gaari lagu dilay

admin

Taliye sare oo katirsanaa Ciidamada Israa’iil oo dagaal lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---