Shaqaale caalami ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay shan kalena waa lagu dhaawacay weerar Arbacadii maanta lagu qaaday guriga martida ee Qaramada Midoobay ee Marinka Gaza, iyadoo Israa’iil ay sii waday weerar cusub oo ay ku qaaday dhulkaas kaasoo burburiyay xabad-joojin jilicsan oo ay la gashay Xamaas.
Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa ku hanjabay in ay kordhin doonaan weerarka, isaga oo uga digay Falastiiniyiinta ku sugan Qaza in haddii la haystayaasha lagu haysto dhulka aan la sii dayn, “Israa’iil waxay ku dhaqmi doontaa si xooggan oo aydaan arkin.”
Jorge Moreira da Silva, oo ah madaxa Xafiiska Adeegyada Mashaariicda ee Qaramada Midoobay, ayaa diiday in uu sheego cidda fulisay shaqa Duqeynta ka dhacday bartamaha magaalada Deir al-Balah balse waxa uu sheegay in walxaha qarxa ay ku dhaceen xarunta QM
Ma uusan sheegin dalalka ay u kala dhasheen dadka la dilay iyo kuwa dhaawacmay. waxayna shaqaalahan ka tirsanaayeen heyadda UNOPS oo fulisa kaabayaasha iyo mashaariicda horumarineed ee adduunka oo dhan.
Milatariga Israa’iil oo tan iyo horraantii Talaadadii waday mowjado culus oo duqeymo ah oo ka dhacayay Gaza, ayaa beeniyay warar hore oo sheegayay in ay bartilmaameedsadeen xarunta Qaramada Midoobay.
Laakin Moreira da Silva ayaa sheegay in duqeymo ay ka dhaceen agagaarka xarunta isniintii ayna si toos ah u dhaceen talaadadii iyo mar kale arbacadii, markaasoo shaqaalaha la dilay. Waxa uu sheegay in wakaaladdu ay la xiriirtay millatariga Israa’iil ka dib weerarkii ugu horreeyay oo ay u xaqiijiyeen in ay ka war hayaan goobta ay ku taal xarunta.
“Israa’iil waxa ay ogaatay in tani ay tahay xarun UN-ka ah, in dadku ay ku nool yihiin, ay joogaan oo ay ka shaqaynayeen,” ayuu yidhi.
Ma jiro wax war ah oo ku saabsan gantaallo ama weerarro kale oo Falastiiniyiin ay rideen tan iyo markii Israa’iil ay qaaday duqeymaha cirka ah habeen iyo maalin Talaado ah, taasoo soo afjartay xabbad-joojin ay Xamaas la gashay bishii Janaayo. Duqeymaha Israa’iil ayaa sii socday illaa Arbacadii, inkastoo ay ahayd mid aad u xooggan.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 436 qof, oo ay ku jiraan 183 carruur ah iyo 94 haween ah, la dilay tan iyo markii Israa’iil ay duqaymo qaadday subaxnimadii Talaadada. Waxay sheegtay in 678 qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Milateriga Israel ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weerarkan cusub ay Arbacadii ku garaaceen tobaneeyo maleeshiyo iyo goobo mintidiin ah, oo ay ku jirto xarunta taliska guutada Xamaas.
Dagaalka Gaza, oo bishii Jannaayo uu hakiyay heshiis xabbad-joojin ah oo caalami ah oo ay dhexdhexaadiyeen Israa’iil iyo Xamaas, ayaa ka mid ahaa colaadihii ugu xumaa ee abid soo mara shaqaalaha bini’aadantinimada, sida ay sheegtay Q.M.