Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland: “Ma diidanin dadka Gasa, hadii nala aqoonsanayo”

Al-Jazeera oo xiganeysa warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland ay dooneyso in shacabka Gaza laga soo barakiciyo dib u dajin u sameeyaan taas badalkeedaba aqoonsi lagu siiyo.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in wasaarada arimaha dibada Somaliland ay soo dhaweysay qorshaha lagu raafayo shacabka Gaza dib u dajina u sameyn doonaan, taas badalkeedana ay doonayaan aqoonsi ay ka helaan Israel.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ayaa wakaaladda wararka İsrael u sheegay in ay diyaar u yihiin xiriir ay la yeeshaan cid walba lkn taasi ay ka soo horeyso in la aqoonsado haddi la aqoonsado  Somaliland waxay diyaar u tahay marti gelinta qaxootiga Falastiiniyiinta

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in cid kasta oo doonaysa inay kala hadasho arrinta Falastiin ay tahay inay marka hore aqoonsato Somaliland.

Wasiir Daahir, oo wax laga waydiiyay sida uu u arko wararka sheegaya in qaar ka mid ah dadka reer Qasa dib u dajin loogu samaynayo Somaliland, ayaa sheegay in ilaa hadda aysan jirin cid arrintaas kala soo xiriirtay, balse ay muhiim tahay in waddan kasta oo raba inuu Somaliland kala hadlo qadiyado gaar ah uu marka hore aqoonsado.

“Waanu u furanahay in aanu wadahadal ka galno arrin kasta, balse ma rabo in aan buunbuuniyo wax aan nagala hadlin. Dhamaan waddamada xiisaynaya inay qadiyado naga la hadlaan waa inay marka hore xiriir rasmi ah nala yeeshaan oo ay safaarado ka furtaan Somaliland,” ayuu yiri Wasiir Daahir.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in waxa ugu muhiimsan ee ay Somaliland rabto uu yahay aqoonsi. “Waxa anaga noogu muhiimsan waa in aanu helno aqoonsi, kadib markii aanu caalamka tusnay in aanu nahay dal nabadda jecel oo dimuqraadi ah,” ayuu yiri.

“Somaliland ma diidana dadka Gasa degan, balse waxaa ka horeysa in nala aqoonsado” ayuu intaas ku daray wasiirka

Wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa dhawaan tabisay in saraakiil ka socda Israa’iil iyo Maraykanka ay arrinta dib u dajinta dadka reer Qasa kala hadleen Somaliland, Soomaaliya iyo Suudaan, inkastoo saddexdooduba ay beeniyeen in cid lasoo xiriirtay

Related posts

Guddiga hirgelinta Doorashada Somaliland oo War cusub soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Port Elizabeth

Caydiid Ali

Dowlada oo Shaacisay in dalka la keenayo Talaalka Covid-19 kadib markii uu cudurkaasi sii faafay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---