Allbanaadir.com
NEWS

Erdogan oo xiray hogaanka Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah.

Imamoglu waa nin Erdogan u arko ninka kaliya ee Turkiga maanta kula tartami kara jagada Madaxweynaha. Xariggiisa ayaa keenay caro xoogan oo ka dhex dhalisay taageerayaashiisa iyo xisbigiisa mucaaradka ah, kuwaasoo ku eedeeyay Erdogan inuu awoodda u adeegsanayo si uu uga hortago mucaaradkiisa siyaasadeed.

Ciidamada ammaanka ayaa weeraray guriga Imaamoglu ayaga oo ku eedeeyay musuqmaasuq, laakiin loo arko in xarrigiisu la xiriiro arrimo siyaasadeed iyo hoggaankiisa Istanbul oo aad loo qadariyo.

Erdogan ayaa lagu eedaynayaa in uu ku khasbay Jaamacadda Istanbul kala noqoshada shahaadada jaamacadda ee Imamoglu. Go’aankan ayaa loo arkaa mid Erdogan uga danleeyhay in Imamoglu oo ah ninka mucaaradka ugu caansan in uusan Erdgan kula tartamin xilka madaxtinimada 2027, sida ay sheegayaan warbaahinta iyo siyaasiyiinta Turkiga. Erdogan oo sharciyan aan mar saddexaad u tartami karin xilka Madaxweyne ayaa raba in uu badalo dastuurka si uu mar saddexaad Madaxweyne u noqdo.

Waxaa la filayaa in arrintan ay sii huriso xiisadda siyaasadeed ee Turkiga, iyadoo mucaaradku ku baaqayaan mudaharaadyo waaweyn iyo cadaadis caalami ah si loo sii daayo Imamoglu iyo siyaasiyiinta kale ee la xiray.

Related posts

Saraakiisha & askarta Israel ee is-dilaya oo sii kordhaya

Caydiid Ali

Maxey ka dhigan tahay lacagta Puntland ku dhawaaqday in ay sameesaneyso

Cabdi Cade

Qarax ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---