Allbanaadir.com
NEWS

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada UAE oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay madaxweyne Xassan Shiikh oo safar deg deg ah kaga soo laabtay furumaha dagaalka ee gobolada oo shalay u ambabaxay.

MW Soomaaliya ayaa maalmo ka hor gaaray Imaaraatka, oo uu weydiistay taageero milateri iyo dhaqaaleiyadoo xubnaha tagay Muqdisho waxaa ku jira saraakiil ciidan oo dhinaca Imaaraatka ah.

Hogaamiyaha wafdigan Sheikh Shakhbout ayaa horey usoo noqday Safiirka Imaaraatka u joogay Sacuudi Carabiya, kana mid ah xubnaha saameynta badan ku leh dalka Imaaraatka.

Weli lama sheegin natiijada kulanka, dowlada Somaliana weli wax war ah kama soo saarin, waxaana la filayaa in madaxweynaha uu dib ugu laabto jiidaha dagaalka ka dib qaabilaada wafdigan.

Booqashada ka hor Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan, ayaa soo wacay madaxweynaha Soomaaliya Xasam Sheekh si uu uga waraysto xaaladdiisa kadib isku daygii weerar ee shalay lagu qaaday madaxweynaha.

Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa u rajeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh badbaado iyo nabad, isagoo mar kale cambaareeyay dhammaan falalka rabshadaha, argagixisada iyo naceybka ku salaysan.

Waxa uu sidoo kale xusay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada shacab iyo saaxiibtinimada labada dal, iyo xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha Imaaraadka taageerada uu muujiyay, isagoo adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xiriirka gaarka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo muhiimadda ay siiso horumarinta iskaashiga iyo xasilloonida labada dal.

Related posts

Madaale oo amar bixiyey ka dib Cabasho ka timid Shirkadaha..

Caydiid Ali

Sheekh Shaakir oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Galmudug (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xog: Cumar Filish oo rag ganacsato ah ka iibiyey dhulka xarun dan guud ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---