Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo shir xasaasi ah kaga qeyb galay Moqokori (Sawirro)

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehlinayaan taliyaha Ciidanka Qalabka Sida iyo Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka ayaa degmada Moqokori kulan furan kula qaatay hogaanka ciidammada shacabiga ah ee Macawisleyda, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo waxgaradka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay bulshada Maqokori iyo Hoggaanka Macawslayda talooyinkooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Waxaa uu ku bogaadiyey bulshada Hirshabeelle sida ay dhiiggooda ugu horuyaan in ay iska dulqaadaan argagixisada gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Xassan Shiikh ayaa si deg deg ah ugu soo laabtay galabta magaalada Muqdisho si uu qaabilo wafdi uu horkacayo dhaxal sugaha dowlada Imaaraadka Carabta oo booqasho nku imanaya dalka isagoo isla beri dib ugu laaban doona jiidaha dagaalka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Ciidamo la baxay Danab oo la wareegay qaar kamid ah qalabkii Doorashooyinka Puntland

Cabdi Cade

Daawo: Muqdisho oo todobaadkan galeysa marxalad cusub (Warbixin)

Caydiid Ali

Dayuurad gaar ah oo Qalab muhiim ah ka dejisay Magaalada Garbahaarey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---