Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo maalintii 2aad xasuuq arxan daro ah ka wada Gaza

Duqeymaha xasuuqa ee ay Israa’iil ka wado Qasa ayaa maalintii labaad si joogta ah u socda , iyadoo goob kasta oo ka tirsan marinka Qasa ay ku dhacayaan bambooyinka diyaaradaha Israa’iil oo tobannaan ruux weerar walba ku dilaya, balse dhawaqa ugu darran waa midka ka imaanaya isbitaallada Qasa oo si isku mid ah u sheegaya inaysan lahayn awood ay daryeel caafimaad ugu fidiyaan dhaawacyada , kaddib markii dawooyinka iyo qalabka caafimaadka ay ku burbureen weerarrada Israa’iil, taasoo dhalisay inuu daqiiqad walba geeriyoodo qof dhaawac ah, sida uu ku warramay telefishinka Al Jazeera oo xiganaya waaxda caafimaadka Qasa.

Xaaladan waxay dhalisay inay Xamaas ku celceliso baaqa ku aaddan in lagu cadaadiyo Mareykanka iyo Israa’iil inay joojiyaan xasuuqa ay ka wadaan Qasa oo ay ixtiraamaan heshiiskii xabbad-joojinta dibna loogu laabto miiska wada-hadalka. La taliyaha warfaafinta ee xafiiska siyaasadda Xamaas,Taher Al-Nono wuxuu u sheegaya Al Jazeera in looga baahanyahay dhex dhexaadiyayaasha, waddamada Carabta , dalalka Islaamka iyo dunidda xorta ah inay u istaagaan joojinta xasuuqa ka socda Qasa oo uu ku tilmaam Netenyahu uu ka leeyahay ujeeddo siyaasadeed oo kursiga uu ku sii joogo iyo inuu xubnaha midigta fog ku soo celiyo xukuumadiisa.

Duqeymihii shalay ayaa waxaa ku naf waayey dad ka badan 600 oo qof halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in ilaa 50,000 oo qof ay tan iyo xalay isugu soo baxeen Telaabiib, iyagoo codsanaya in dib loo soo celiyo wada- xaajoodyada lagu joojinayo dagaalka Qasa, si loo sii daayo maxaabiista.

Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid ayaa dhankiisa soo saaray baaqay ugu dadweynaha ugu sheegay; “Waxaan ugu baaqayaa Israa’iiliyiinta inay isugu soo baxaan waddooyinka oo ay mudaaharaad sameeyaan.”

Wargeyska Washington Post, ayaa ku warramay inay Israa’iil sugeyso, sida duullaankooda cirka ee marinka Qasa uu wax uga beddeli karo mowqifka Xamaas oo iska diiday inay qaadato heshiis kordhinaya wajiga koowaad ee xabbad-joojinta oo maxaabiis badan lagu sii deynayo, halkii loo gudbi lahaa wajiga labaad , tan haddii aysan dhicin ciidanka Israa’iil ayaa gudaha mar kale u galaya Qasa, kuwaasoo hadda duqeymo madaafiic ku garaacaya koonfurta Qasa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Wasiir Max’ed Barre & dhigiisa Sandra Bergqvist oo labo qodob ka wada hadlay

Caydiid Ali

Puntland oo go’aan ka soo saartay adeega lacagaha telefoonada la iskugu diro

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo digniin culus ka bixiyey Muddo kororsiga hogaanka dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---