Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Amiir ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Kaxda Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.
Amiir ayaa sidoo kale Abdiwali Hasan Nuur u magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Kaxda sida ay alllbanaadir Online u sheegeen ilo wareedyo lahi kalsoon yahay
Guddoomiyihii degmada Kaxda ee xilka laga qaaday ayaa Maalmihii la soo dhaafay wuxuu ka soo muuqday warbaahinta isaga oo ka hadlaya doorashooyinka qofka iyo codka ah ee DF qaban-qaabineyso
Shacabka degmada intooda badan ayaa marar badan warbaahinta mariyey tabasho ay ka qabaan maamulkiisa, iyaga dalbaday in xilka laga bedelo.
Sidoo kale, odayaasha qaar ayaa dowladda ka codsaday in la magacaabo shaqsi si fiican u fahmi kara baahiyaha bulshada Kaxda.Duqa