Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u canbaareeyay qaraxii argagixiso ee afaafka hore ee Madaxtooyada laga galo lagula eegtay kolanyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamuud.
Farmaajo ayaa falkan argagixisada ah ku tilmaamay mid halis ku ah dowladnimada iyo jiritaanka ummada, waxa uuna xusay in falkan in uu ka tarjumayo wejiga dhabta ah ee kooxaha arxanlaaweyaasha ah ee sida bahalnimada ah u caadaystay daadinta dhiigga sharfan ee shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta hantidooda.
“Tacsi murugo leh ayaan u dirayaa ehellada shacabkii aan waxba galabsan ee iyaga oo soomman ay argagixsadu ku laysay qaraxaas. Muwaadiniinta kale ee dhaawaca nafeed iyo burburka hantiyeed uu soo gaarayna waxaan Alle u weydiinayaa bogsiimo degdeg ah iyo beddel khayr qaba” ayuu yiri Farmaajo.