Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Faarax C/qaadir oo fashiliyay Mashaariic malaayiin dollar lagu bixin lahaa

Wasaaradda Waxbarashada , Hidaha iyo Tacsliinta Soomaaliya, ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhax jiro musuqmaasuq aad u baahsan, waxaana fashilmay mashaariic dan weyn ugu jirtay dalkeena iyo dadkeena Soomaaliyeed, kaddib markii la ogaaday in la musuqmaasuqayo.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqaadiur, ayaa lagu waramayaa in musuqmaasuq xargaha goostay waxna laga qaban karin uu ka dhax wado Wasaaradda, waxaana adag in wasiirka oo ku daaban Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagula xisaabtamo musuqmaasuqa uu wado.

Labo mashruuc oo mid kamid ah maalgalineysay Bangiga Adduunka ayna ku bixi lahaayeen lacag malaayiin dollar ayaa mid kamid ah fashilmay, halka midka kalana uusan hadda cago badan ku taagneen ayna suurto gal tahay in uu fashilmo lagana wareejiyo Soomaaliya .

Mashruucii Somalia Education for Human Capital Development Project  oo maalgalineysay (World Bank) ayaa fashiomay, kadib markii uu is casilay madaxii mashruucaasi  Maxamed Cabbduqaadir Nuur, waxaana la sheegay in ninkan isku casilay faragalin uga timid Wasiir Faarax .

Wasiirka ayaa rabay in lacagta mashruucan ku baxeysay oo aad u badneed isagu leexsado laguna shubo akoon gaar ah uu leeyahay, isaga oo ku andacoonayay in mashruucaasi isagu uu fulinayo, hasa ahaatee markii la ogaaday in ujeedku yahay musuqmaasuq ayaa la hakkiyay gabi ahaan mashruucaasi.

Sidoo kale mashruuca Education Project of Global Partnership for Education (GPE), ayaa isna hadda u muuqda mid fashil ku dhaw oo laga wareejin doono Soonaaliya, maadaama uu dhammaad yahay waqtigii loogu tala galay fulinta mashruucaasi, sababao la xariira khilaaf wasaaradda ka jira iyo musuqmaasuq.

Musuqa iyo maamul-xumada uu Wasiir Faarax Cabduqaadir ku sameeyay mashaariicda Wasaaradda loogu tala galay ayaa waxa ay sababtay in malaayiin dollar oo kamid ah lacagihii labada mashruuc dib loo celiyo si wadamo kale oo hufnaantooda maamul ay wanaagsan tahay loo siiyo.

Wasiirka ayaa horey xilka uga qaaday Agaasimihii Maaliyadda ee Wasaaradda, kaddib markii ka biyo diiday in lacago badan si aan sharci aheyn akoonkiisa ugu soo shubo, waxa uuna Wasiirka booskaasi keenay nin dhallinyaro ah uu doonayo in madaxiisa lacago badan ku leexsado, kaa oo hadda naftiisa suurto gal tahay in shaqada isaga tago, kaddib markii uu fahmi waayay sida shaqada u socoto iyo musuqa xargaha goostay iyo waliba qilaaf ka jira in uusan ahayn shaqaale rayid ah taasoo wasiirka isku qabteen Xoghayeeyaha joogtada ee wasaaradda .

Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya uu heesto Wasiir awood badan ku dhax leh kooxda Damuljadiid , ayaa waxaa ka jira musuqmaasuq aad u weyn, waxaana adag in shaqada Wasaaradda iyo musuqa ka jira uu soo faragaliyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo ka baqaya awoodda Faarax ku leeyahay Villa Soomaaliya.

Macallimiin badan ayaa sannad kasta Wasaaradda Waxbarashada la sheegaa in shaqo laga siiyo lagana diiwaangaliyo, balse baaritaanno aan sameenayay ayaan ku ogaanay in Macalimiinta yihiin kuwa tiro yar kuwa shaqada saxda la siiyay, balse magacyo aan jirin Wasaaradda ka qoran yihiin kuwaas oo lacagaha magacoda lagu qaato lagu shubo akoonka Wasiirka.

Wasaaradda Waxbarashada , ayaa ah Wasaaradda kaliya ee leh afar Agaasime guud iyo hal Xoghaye joogto, kuwaa oon dhammaantood laheyn wada shaqeyn sax ah uuna ka dhax jiri khilaaf, taas uu Wasiirka ka dhax arkay fursad weyn uu isagu waxa uu doono meesha uga sameysan karo .

F.G : Baaris xooggan oon wadno ayaana dib uga soo faahfaahin doonaa afarta agaasime wasaaradda leedahay, shaqooyinka ay qabteen iyo sida ay qeybta uga yihiin musuqa la haray Wasaaradda Waxbarshada.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin qarax miino aasayay oo la toogtay iyo Booliiska Muqdisho oo war kasoo saaray

Cabdi Cade

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay Macalin Bilaal Jeylaani Nuure & xubno kale (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisada u dhaxeysa Dowladaha Turkiga iyo Gariiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---