Allbanaadir.com
NEWS

Jubbaland oo siyaasadeeysay dil loo geestay Sargaal Kenyan ah

Ciidamo katirsan hay’adda nabbadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya, ayaa maalmo kahor xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya , gaar ahaan dhinaca Mandheera waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa ciidamada Kenya , halka mid kalana dhaawac uu soo gaaray.

Weerarka ay fuliyeen ciidanka NISA ayaa lagu dilay Constable Dennis Omari ayaa lagu dilay weerarka, halka Wright Mokua isna uu dhaawac soo gaaray, waxaa weerarkan ka badbaaday saddex askari kale oo katirsanaa ciidamada Kenya ee xadka ku sugnaa.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa si kulul u cambaareeyay falka lagu weeraray askarta Kenya laguna dilay sargaal ciidankaasi katirsanaa, waxa uuna tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday sargaalka la dilay, halka dhaawacana caafiaad u rajeeyay.

Maxamuud Sayid Aadan , ayaa falkan la xariiriyay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka, waxa uuna sheegay in maamulkii ka jiray degmada Baladxaawo loo diidan yahay in shaqadooda qabsadaan.

“Wax walba sabab ayay leeyihiin is afgaran-waaga ka jira dowladda Soomaaliya dhexdeeda oo mar walba niman siyaasiyiin ah oo dan leh ay abuurayaan ayay arrimahan salka ku hayaan, maxaa yeelay maamulkii degmada Beledxaawo oo nidaamka dastuuriga ahaa ku dhisnaa waa loo diiday inuu shaqadiisa qabsado” ayuu mar kale yiri.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland, ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in rabshada ka dhacday xadka laga wada hadlo lana qaboojio xaalada, waxa uu sidoo kale ku baaqay in arrintan aysan saameyn ku yeelan shacabka labada dhinac ee xadka ku sugan.

“Dowladda Kenya ee aan walaalaha nahay iyo shacabkeeda waxaan ka codsaneynaa dadka aan waxba galabsanin ee ku nool Beledxaawo ama Mandera in iyagana ilaaliyaan xaquuqdooda,oo dhacdadan dhacday wax la xiriira aan dhib loogu gaysanin” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan taliska ciidanka NISA, ayaan ka hadlin dilkan ciidankooda u geesten sargaalka katirsanaa ciidanka Kenya, waxa uuna falkan dhaliyay xiisad laga dareemay xadka Baladxaawo iyo Mandheera.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaashaanle dhexe Assimi Goïta oo talada dalkiisa xoog kula wareegay

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka oo qarka u saaran inuu labo garab u kala jabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---