Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqaatiir iyo gurmad loo diray farumaha hore ee dagaalka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah ee u taagan xoreynta dalka.

Dhaqaatiirta ayaa sal-dhig ka dhigan doona isbitaalka degmada Cadale, halka ay ka howl-gali doonaan, Moqokori, Aadan Yabaaal, Xaaji Cali, Guulane, Masaajidka Cali Gaduud iyo guud ahaan goobaha ay xoreynta iyo cirib-tirka Argagaxisada ka wadaan geesiyaasha xaq u hardanka ah.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa magaalada Muqdisho ka amba-bixiyay dhaqaatiirta iyo taageerada ay wadaan, halka isla todobaadkaan ay Hay’addu degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan geysay daawo loogu tala-galay in lagu dabiibo dhaawacyada iyo bukaannada kale ee baxnaannada caafimaad u baahan.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa xoojisay dadaallada yareynta khasaaraha ka dhasha howlgallada lagu cirib-tirayo Al Shabaab, waxa ayna hay’adad hadda qaadaneysa doorkeeda dagaalka uga aadan.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Libaaxyo Sabab u noqday in hal mar dhintaan Boqolaal lo’ gissi ah !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Booliska Jubbaland oo gacanta ugu dhigay nin horey isugu dhiibay kooxda Al Shabaab

Caydiid Ali

Daawo:-Maxaa isku xiray qorshaha xirida Jidadka & goobaha uu booqanayo RW Rooble?

admin
Taboola Ads ---