Allbanaadir.com
NEWS

Dowlado ka hadlay isku daygii dil uu ka badbaaday Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay ka badbaaday qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo galbineysay, xilli uu ka baxay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kuna sii jeeday farumaha hore ee dagaalka gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Dowlado dhoor ah oo cambaareeyay isku dayga dil uu shalay ka badbaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna dowladahaasi taageero iyo garab istaag u muujiyeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo dowladda uu hoggaamiyo.

Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta , ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u cambaareeyay falka isku dayga dilka ah uu ka badbaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna dowladahan sheegeen in ay kasoo horjeedaan falalka argagaxiso ay feestaan kooxaha hubeysan.

“Boqortooyadu waxay mar kale xaqiijinaysaataageerada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeedaba ee ka hor tagga wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda iyo xasilloonideeda, iyadoo ku celinaysa mowqifkeeda adag ee ay ku diidayso dhammaan noocyada rabshadaha, falalka argagixisada, iyo xagjirnimada.”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Sacuudiga.

Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, oo ah wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, ayaa sheegay in dalkiisu si adag u cambaareynayo falal dembiyeedyada noocan ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Imaaraadku uu mar walba kasoo horjeedo nooc kasta oo rabshado ah iyo falalka argagixisada ee ujeedkoodu yahay in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida, taas oo jebineysa sharciga caalamiga ah.

Weerarka qarax uu shalay ka badbaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa sababay dhimashada dad badan oo shacab ah, kuwaa oo qaarkood uu kusoo dumay guriga uu dhinaciisa ka dhacay qaraxa lala eegtay Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari katirsan ciidamada Puntland oo dilay Suldaan Xasan Cali Jibriil iyo Gaas oo ka hadlay

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Wafdi sare oo ka socday Hay’addo Caalami ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Masuul xilka laga qaaday oo isna maanta xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---