Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka iyo Ukraine oo iska burburiyay kaabayaal dhaqaale xilli Trump uu …

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa wali sii wada duqeymo culus ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo waxyeelo xooggan gaarsiiyay kaabayaal dhaqaale oo labada dalba muhiim u ahaa.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaana saacado kahor wadahadallo la xiriira dagaalka Ukraine la qaatay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxyaabaha ay kawada hadleen ayaana qeyb ka ahaa in aan la burburin kaabayaasha dhaqaalaha Ukraine.

Wadahadalka labada Madaxweyne kaddib ayaa la sheegay in ay dhaceen duqeymo culus oo ay is dhaafsadeen Ruushka iyo Ukraine, kuwaa oo lagu burburiyay kaabayaal dhaqaale ay lahaayeen labada dal.

Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in kaabayaasha dalkiisa Ukraine lala eegtay weerar ballaaran oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxa uuna tilkaamay kaabayaasha dhaqaale ee la beegsaday ay kamid yihiin, isbitaallo ku yaala Sumy iyo xarunta bixisa adeegga korontada ee Slovyansk.

Dhinaca kale dowladda Ruushka ayaa sheegtay in weerar ay Ukraine u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn uu sababay dab ka kacay goob shidaalka lagu keydiyo oo ku taalla magaalada Krasnodar.

Related posts

Dowladda Ukraine oo si deg deg ah ciidamadeeda kala baxeysa howlgallada nabad ilaalinta

Cabdi Cade

Dowlad Xaraasheysa qaar kamid ah Moroodiyaasha dalkeeda kunool iyo Sababta keentay !!

Cabdi Cade

Waddo loogu magacdaray Sheekh Xanuunsan oo la dhagax dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---