Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo kahor timid digniina kasoo saartay qorshe DF ay wado

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyada oo ka duulaysa mawqifkii ay  Puntland hore u qaadatay ee ahaa sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn in aysan qayb ka ahayn Puntland, waxay cadaynaysaa in aysan aqoonsanayn, deegaanadeedana ka hirgelayn waxa loogu yeeray diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka.

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudah Dawladda Puntland waxay uga digaysaa bulshada Reer Puntland in aysan ku kadsoomin, kana qaybgalin diiwaangelinta sharciga baalmarsan oo aan heshiiska lagu ahayn, sababahaan hoose awgood:-

1. Xogta kaarkaani ma ahan mid sugan, amni ah oo ku kaydsan gacmo la isku hayn karo.

2. Diiwaangelintaan waa mid siyaasadaysan loogana golleeyey doorashooyin macmal ah oo aan heshiis lagu ahayn dadkana lagaga siijeedinayo xaqiiqooyinka dhabta ah ee Dalka ka jira ee ay ka midyihiin amni xumada iyo kala qaybsanaanta Bulshada Soomaaliyeed.

3. Waa mashruuc hanti urursi ah, oo culays ku ah dadka soomaaliyeed ee la tabaalaysan duruufaha amni iyo dhaqaale.

Puntland waxay ahmiyadda siinaysaa horumarinta danaha gudaha Puntland, gaar ahaan xoojinta amniga, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, waxayna samayn doontaa kaarka aqoonsiga Puntland (Puntland State ID).

 

Related posts

Taliska Booliiska oo ka hadlay dilal Ciidanka AMISOM dhowaan ka geysteen Ceelasha Biyaha

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay kulan Madaxweyne Biixi la qaatay RW ku-xigeenka Imaaraadka? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Hogaamiyaha Wadajir oo baaq u Diray Masuuliyiin kale oo ku lug lahaa Weerarkii lagu qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---