Allbanaadir.com
NEWS

Baaritaano culus oo ka socda goobtii lagu qarxiyey Xassan Shiikh (Sawirro)

Ciidamada amaanka DF ayaa baaritaano culus ka wada xaafadaha ku dhow Suuq yaraha degmada Xamar jajab illaa Isgoyska Ambulatooriyada Ceelgaab ee magaalada Muqdisho halkaasoo uu maanta ka dhacay qarax lala beegsaday kolonyo uu la socday Madaxweynaha Somalia oo ka soo baxay Villa Somalia kuna sii jeeday garoonka Aadan Cabdulle.

Qaraxa oo lagu xiray dhisme laamiga saarnaa ayaa waxaa khasaare burbur uu ka soo gaaray mid ka mid ah gaadiidkii la socday Madaxweynaha, sidoo kale qaraxa oo aad u xoog badnaa ayaa burburiyey dhismeyaal iyo guryo halkaas ku yaallay oo ay dad shacab ah degenaayeen.

Meydadka dad shacab ah ayaa galabta illaa caawa laga soo saarayey burburka guryaha dumay, waxaana baraha bulshada isqabsaday tacsi loo dirayey ehelada dadka ku naf waayey qaraxaas oo ilaa hadda aan tirakoob sax ah laga soo saarin.

Wadada Xamar jajab ayaa waxaa isticmaala madaxda DF marka ay ka soo dagayaan ama ka dhoofayaan garoonka Aadan cabdulle, waxay ka soo baxdaa Villa Somalia,  waxayna sii martaa dekeda Muqdisho illaa garoonka dayuuradaha oo laga galo agagaaarka Iskoolo Buluusiyo, inta badan gaadiidka iyo dadka waa laga xiraa marka ay madaxdu gudbayaan, waana markii ugu horeysay ee qarax noocan ah uu ka dhaco jidkaas.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan, laamaha amaanka ayaana baaraya sida qaraxaas uu goobta ku yimid iyo dadkii ka shaqeeyey, waxayna ciidamadu xirxireen dad badan oo degan guryo halkaas ku yaalla.

Ciidamada ayaa galay dhismaha xarunta idaacada Risaala oo halkaas ku yaala waxayna muddo kooban xireen shaqaalaha ku sugnaa xaruntaas inkastoo markii dambe la sii daayey.

Al-Shabaab oo awoodi weysay iney gaari qarax ku weerarto kolonyada Madaxweynaha oo amnigeeda aad loo adkeeyo ayaa isticmaashay xeelad cusub oo ah iney dhisme wadada saaran ku diyaariso qarax la hagayo, iyagoo ogaaday in ciidamada ilaalada Madaxweynaha aysan baarin dhismayaasha wadada saaran kaliyana ay jidka xiraan marka madaxweynuhu ka gudbayo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Yaa Hormuud u ah Boobka Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee bilaabatay ? (Ogow)

Cabdi Cade

Wararkii ugu danbeeyay ee Waxgaradka Cadaado ee ka soo horjeestay go’aankii xalay ka soo baxay RW Khayre iyo Warar kale…

admin

Israa’iil oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe ay ka damacsan tahay Gaza dagaalka kadib

Cabdi Cade
Taboola Ads ---