Wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlada Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa talaabo bahdilaad ah kula kacay baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan gaar ahaan kuwa Diblomaasiga ee ay qaataan madaxda iyo Service-ka oo la siiyo shaqaalaha iyo howlwadeenada dowlada.
Safaaradaha reer galbeedka ee magaalada Nairobi ayaa dib u soo celiyey warqado uu ku saxiixan yahay Fiqi iyo boqolaal baasaboor oo Fiqi uu visooyin ama dal ku gal ugu dalbayo dad la siiyey si ugu tagaan dalalka Yurub iyo Mareykanka.
Ilo wareedyo ayaa Allbanaadir Online u sheegay in dadka baasaboorada la siiyey aysan aheyn diblomaasiyiin iyo shaqaale dowladeed balse ay yihiin dad shacab ah oo qaab musuq ah loo siiyey.
Fiqi ayaa la sheegay in qaar ka mid ah baasaboorada iyo Viisaha la dalbay uu isaga laaluushay Xildhibaano ka tirsanaa baarlamanka Soomaaliya oo ku kacsanaa kuwaasoo iyana ka iibsaday dad doonayey in qaab isxambaar ah loogu diro Yurub.
Safaaradaha reer galbeedka ee Nairobi oo la yaabay baasaboorada iyo qoraalada Fiqi ee Viisaha lagu dalbayo oo si daadkii ugu qulqulaya xarumahooda, taasoo keentay iney dib u soo celiyaan iyagoo ka shakiyey sida nidaamka iyo caqliga baalmarsan ee ay wax u socdaan.
Arrintan ayaa waxay fadeexad, ceeb iyo wajigabax ku noqotay dowlada Somalia oo markii horeba la aaminsanaa in musuqa uu ka yahay wax caadi ah oo banaanka iska yaala.
Talaabada uu qaaday Wasiir Fiqi ayaa waxay bahdilaad ku noqotay baasaboorka Soomaaliga oo markii horeba ku jiray baasaboorada ugu qiimaha hooseeya baasaboorada caalamka, iyadoo arrintan hadii aan wax laga qaban ay horseedi karto in laga aamin baxo baasaboorka Soomaaliga oo hadda u baahan in laga shaqeeyo sidii kor loogu soo qaadi laha tayadiisa.